Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Cadaalad Darro ka Muuqata Qaabka Mashruuca SDF Loogu Qaybiyey Gobollada Somaliland iyo Gabiley Oo Ka Miisaaniyad Badan Awdal, Sanaag iyo Sool.



Fri 02 February 2018.

Mashruuca Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) oo ay qaarka mid ah dawladaha reer Yurub ugu deeqaan Somaliland, si loogu horumariyo adeegyada waxbarashada , waddooyinka iyo caafimaadka.

Adeegan oo lagu bixiyo lacag dhan 64 milyan dollar ayaa loo qaybiyey gobollada Somaliland, waxaana soo baxday sida ay gobolladu u kala badsadeen adeegyada mashruucaasi lagu fuliyo, waxaana xusid mudan in gobollada galbeedku ay aad uga miisaaniyad sarreeyaan dhigooda bari.

Hadaba halkan hoose ayaanu idiinku soo gudbinaynaa sida loogu kala qorsheeyey gobollada dalka mashruuca SDF iyadoo boqolley ah: Table 1. Amount of development allocated per region in percent S/N Region Percentage each region absorbs out of 64 million US dollars

Cadaalad Darrada Hargaysa Taala: Qaabka Mashruuca SDF Loogu Qaybiyay Gobolada.

1. Hargeisa 46 %
2. Togdheer 16 %
3. Saaxil 14 %
4. Gabiley 9 %
5. Awdel 5 %
6. Sanaag 5 %
7 Sool 5 %

Sidoo kale waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa miisaaniyadda uu gobol kastaa u helay mashruuca SDF iyadoo lacag ah: S/N Region Amount in dollars spent per region out of 64 million dollars

1. Hargeisa 29 million dollars
2. Togdheer 10 million dollars
3. Saaxil 8.96 million dollars
4. Gabiley 4.14 million dollars
5. Awdel 3.2 million dollars
6. Sanaag 3.2 million dollars
7 Sool 3.2 million dollars

Gobolka Gabiley oo aan ku jirin lixda gobol ee Somaliland ugu waaweyn ayaa ay muuqataa inuu ka miisaaniyad badan yahay gobollada Awdal, Sanaag iyo Sool, waxaana shaxdan kor ku xusan si fiican looga dheehan karaa dheelitiraan la’aan dhinaca qaybinta ah.

 



118 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines