Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wiil Ay Ilma Abti Ruma Yihiin Madaxwayne Biixi Oo Xil Loo Magacaabay.



Fri 02 February 2018.

Mustafe Maxamuud Xaji Cabsiiye, waa Xoghayaha cusub e dawladda hoose ee Gabilay oo la magacaabay arbacadii todobaadkan ina dhaafay, kadib markii xoghayihii hore ee degmada Gabiley xilka laga qaaday.

Mustafe Xaaji Cabsiiye waxaa magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, kaasoo sharciyen leh awoodda xilka qaadista iyo magacaabista xoghayayaasha fulinta ee dawladaha hoose ee degmooyinka dalka.

Ka sokow inuu yahay muwaadin reer Somaliland ah Mustafe waxay qaraabo dhaw yihiin madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana dhashay eedadii ruma iyagoo qaraabo ahaan noqonaya ilma abti ruma, Madaxwaynaha iyo Mustafe Cabsiiye oo ah xoghayaha cusub ee dawladda hoose ee degmada Gabiley.

Inkastoo muwaadin kastaa uu xaq u leeyahay in loo magacaabo xil kasta oo uu aqoon ama karti u leeyahay hadana arrintan ayay dadka siyaasadda falanqeeyaa ku macneeyeen inay ka turjumayso siyaasadda madaxwayne Muuse Biixi, isagoo muddo ka yar laba bilood uun uu talada hayay.



107 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines