Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Booliiska Britain Oo ka Hadlay Wiil Soomaali ah Lagu Dhex Dilay Xabsiga Magalada London.



Fri 02 February 2018.

Ciidamada Booliiska dalka Britain ayaa sheegay in Wiil Somali ah lagu dhex dilay xabsi ku yaala Magaalada London,iyada oo dilkaasi loo adeegsaday tooray.

Qoyska wiilka oo ku jira baroordiiq ayaa sheegay inuu dhaawacyo xunxun ay jirkiisa ka muuqdeen, kaasoo caqabado badan kala kulmay banaanka.

Afar qof ayaa loo xirxiray dilka Khadar Saalax oo lagu dhexdilay xabsiga Wormwood Scrubs ee galbeedka London.

Saciid Yuusuf oo ah wiilka ka weyn Khadar ayaa sheegay in dilka dhacay uu qoyska ku reebay tiiraanyo iyo murugo.

"Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo nolosha rajo badan ka leh, mardhow ayuu guursaday, waxaana loo hayay hal wiil" ayuu yiri Siciid.

Waxa uu intaas ku daray in 7 jeer toorida lagu dhuftay wiilka.

Xabsiga oo la dhisay xiligii boqoradii Victoria ayaa waxa uu qaadaa 1,279 maxbuus. Hadda waxaa ku jirta 1,131 maxbuus.

Rabshadaha xabsiga gudihiisa ka jira ayay dowladda la tacaalaysaa sidii ay u xakamayn lahayd, afhayeen u hadlay wasaaradda caddaaladana waxa uu sheegay in lasoo kordhinayo nidaamyo cusub oo looga hortago rabshadaha.  



147 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines