Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Oo la kulmay Safiirka Imraaadka.



Fri 02 February 2018.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan gaar ah la yeeshay Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, oo ah Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Safaaradda Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, si labada dal ay u sameeyaan horusocod dan u ah.

Danjiraha Imaaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo soo celin lahaa Dowladnimo buuxda, oo leh isku filnaansho ay wax walba ku qabsan karto.

Sidoo kale Safiirka Imaaraadka Carabta ee ee Soomaaliya Maxamed Axmed Othman Al Hammadi ayaa Madaxda Imaaraadka in ay ka go’an tahay kordhinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay marwalba in ay garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Al-xamaadi ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya u gudbiyay dhambaal salaan ah oo uu kaga siday dhiggiisa dalka Imaaraadka Cabdala Bin-Zayed Al-Nahyaan iyo wasiiru dowlaha Dalkaasi Dr Anwar Bin Maxamed Qarqaash, iyagoo u rajeeyay inuu ilaahay ku guuleeyo howlaha horyaalla.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta iyo shacabkeeda, isagoo ku amaanay sida mar walba ay ula garab taagan yihiin taageerada aan xadka laheyn ee ay siinayaan Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa Dowladda Imaaraadka ku ammaanay mashaariicda horumarineed ee dhan walba leh ee ay ka waddo Dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay siiso Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.



66 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines