Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wiil Uu Dhalay Hogaamiyihii Hore Ee Cuba Oo is Diley.



Fri 02 February 2018.

Wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro ayaa laga helay meydkiisa magaalada Havana ee caasimada dalka Cuba.

Fidel Angel Castro Diaz-Balart oo ahaa curadkii hogaamihihii Cuba 68 sano jir ah ayaa ahaa saynisyahan ku taqasusay Niyukliyerka hase yeeshee sanadihii la soo dhaafay ayuu xanuun dhimirka haleelay, hase yeeshee lama sheegin qaabka uu isu diley.

Castro ayaa waxa uu wax ku bartay wadankii la oran jirey Midowga Soofiyeeti, Waxa uu sidoo kale mar madax ka noqday barnaamijka nuyuukleerka Cuba.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu daawooyin ka qaadanayay isbitaal ku yaal magaalada Havana caasimada dalka Cuba. Aabihiis oo muddo dheer soo xukumayay dalkaas ayaa geeriyooday sanadkii 2016-kii isaga oo 90 jir ah.



118 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines