Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Sarkaal ka Tirsanaa Ururka Al-shabaab Oo Lagu Dilay Gobolka Baay.



Fri 02 February 2018.

Maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ayaa sheegay in Sarkaal Al-shabaab ka tirsanaa lagu dilay hawlgal ka dhacay duleedka degmadaasi, iyadoo tiro kale oo Al-shabaab ahna gacanta lagu dhigay.

Gudoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shig-shigow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hawlgal ay Khamiistii iska kaashadeen ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay deegaanka Raaxoole lagu dilay sarkaalka Al-shabaab ka tirsanaa.

Sarkaalkan la dilay, ayuu sheegay in uu ahaa mid hoggaaminayay dagaalyahano 20 gaareysa oo Al-shabaabka tirsan, laguna weeraray deegaanka Raaxoole oo 50-KM u jirta Degmada Diinsoor, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hawlgalka lagu soo qabtay Saddex ka mid ah Al-Shabaab, kuwaas oo sida uu sheegay la keenay degmada Diinsoor, isla-markaana ay cadaalladda horgayn doonaan.

Al-shabaab ayaa ka howlgala deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool iyadoo halkaa marar badan ay ku dagaalameen ciidamada dowladda.



128 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines