Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maxkamad ku Taala Maraykanka Oo sii Daysay Nin Indhaha la' Oo Kufsaday Gabadh 13-Jir ah.



Thu 01 February 2018.

Maxkamad ku taala gobolka Oklahoma ee dalka Maraykanka ayaa 15 sano oo xadhig ah ka cafisay nin indho la oo ku eedeysnaa kufsi uu u geystay gabadh yar oo 13 jir ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Benjamin Lawrence Petty oo 36 jir ah ayaa maxkamada ka hor qirtay in uu kufsiga u geystay gabadha yar.,balse maxkamadu ku xukumay 15 sano xarig shuruudi ku xirantahay, taas oo ka dhigan haddii uu dambi kale galo in xukunkan uu toos u dhaqangalayo, nidaamkan oo loo yaqaano 'suspended sentence'.

Garyaqaan u hadlay qoyska gabadha ayaa sheegay in ay aqbaleen xukunka maxkamadda.

Falkan ayaa ka dhacay kaniisad dadka yaryar tagaan xiliga xagaa baxa, kuna taala gobolka Texas, sanadkii 2016-kii, halkaas oo xagaa walba ay booqasho ku tagaan in ka badan 50,000 qof.

Sidoo kale ururada u dooda xuquuqda dumarka iyo dadka dhibenayaasha u ah falalka galmada ayaa dhaleeceeyay go'aanka maxkamadda.



133 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines