Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maxkamada Sare Ee Kenya Oo Go’aan ka soo Saartay Amarkii Dowladdu ku Xirtay Saddex TV.



Thu 01 February 2018.

Maxkamadada sare ee dalka Kenya ayaa hakisay go’aankii ay dowladda hawada kaga saartay saddex ka mid ah telefishinada dalkaasi oo maalintii 2aad xaniban.

Telefishinada kala ah NTV, KTN iyo Citizen ayaa hawada ka baxay Talaadadii saacadu markay ahayd 9 barqanimo markii dowladu ay soo saartay amar sidaas faraya.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay joojisay xiritaanka telefishinadan muddo 14 maalmood ah si kiiska Maxkamada yaalla loo dhagaysto isla markaana go’aan laga gaaro.

Dowladda ayaa ku eedeysay telefishinada la xiray inay qorshaynayeen tabinta xafladdii uu Madaxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga maalintii shalay ahayd.

Wasiirka arrimahha gudaha ee Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay in xarumahan warbaahineed sii xirnaan doonaan ilaa baaritaanada laga soo gebagebaynayo.



141 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines