Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Been ka Sheegga Jeegaanta Somaliland iyo Jeegaamaha Waawayn ee Somalia ka Jira | Mohamud Aden Samatar



Thu 25 January 2018.

  Jeegaantu waa qaansoroobeed/rainbow samayskeeduna u eeg yahay badh/nus wareeg/ semicircle. Xarriqa/line-ka  jeegaantu ka samaysantay ay  ka kooban laba dhibco ama dhibco badan oo la isku xidhay. Hadaba tan iyo markii ay Somaliland ka dhacday doorashadu,  11/13/17 ee ay umada Somaliland doortay Madaxwayne Muuse Biixi, ayaa cadawga Somaliland gudo iyo dibadba waxa ay la dabagaleen Somaliland  in MW Muuse Biixi ay dooratay laba ama sadex beelood oo qudhi oo iskugu xidhan sida Jeegaanta masaafada ay isku jiraan awgeed, iyada oo Muuse ka helay cod gobol kasta  oo Somaliland ka koobantahay. Cadawga Somaliland oo u badan akhyaar ka hawl gala Baraha Bulshada una badan taageerayaasha Dawlad Somalia ee ay ku bahoobeen Dawlad beeleedyada ay ku sheegaan Dawalad Goboleedayda, ayaa waxa ay iska indha tiraan JEEGAAMAHA ay Dawladda Somalia iyo Dawlbeelyada Somalia ay ka kooban yihiin ee ah lama taabtaanka/kootada lagu haysto, sida Jeegaanta Somalia, Abgaal, Majeerteen iyo Mareexaan, Puntaland Cumar Maxamuud iyo Cismaan Maxamuud, Jubba-land/Ogadeen, Gal-Mudug/Habar-gidir, Hir-shabeele/Xawaadle, iyo Koonfur Galbeed Digil iyo Mirifle.   

 
        1991-kii, Burburkii dawladdii Siyaad Barre kadib   Dawladdii u horaysay ee Somalia loogu sameeyay, Carta,  Jabuuti 2000 ee uu madaxwaynaha u ahaa Cabdi Qaasim Salaad ayaa u eekayd dawlad qaran oo Somaliyeed, marka laga hadlayo awood qaybsigii labdii dal ee midoobay,  Somaliland iyo Somalia, taas oo uu Ra'iisal wasaaruhu ahaa Cali Khaliif Galydha oo ka soo jeeday Somaliland. Dawladdii Carta ayaa waxa ay ka socon wayday Hogaamiye Kooxdyaddii/beeleedyaddii ka jiray Somalia markaa, sida Muuse Suudi, Qanyare, Cismaan Caato, Shaati Guduud, Xuseen Caydiid, Maxamad Dheere, Cusmaan Finish iyo  Cabdilaahi Yusuf  AHUN intii dhimatay,  oo ku midaysnaa ururkii SRRC, Somalia Reconciliation and Restoration Council. 
 
      2004-kii kadib  markii ay Dawladdi Carta ka socon Hoogaamiye kooxdyadddii/Beeleedyadii, waxa magaalada Imbaghati ee Keenya isugu tagay kooxdii SRRC, Hogaamiye Kooxdyadii/Beeleedyadii Somalia ka dib markii ay beesha caalamku iskugu yeedhay si ay u dhistaan dawlad ay ku bahoobeen SRRC, taas oo keentay in October 10, 2004 ay madaxway u  doortaan AHUN C/Yusuf oo ahaa markaa madaxwaynaha Puntland/Majeerteenya oo la aasaasay 1998. MW C/Yusuf ayaa waxa uu madaxwaynenimaddii si ku meel-gaadh ah ugu dhiibay ku xigeenkiisii, Maxamad Cabdi Xaashi/Dhulbahante. 
 
    January, 08 2005 waxa ay Puntland/Majeerteenia madaxwayne u dooratay AHUN Gen. Cadde Muuse oo ka soo jeeday beesha Majeerteen ee C/Maxamuud kadib markii uu ka guulaystay Maxamad Cabdi Xaashi/Dhulbahante. Bilawgii August 05, 2001 waxa uu Gen Cadde Muuse iyo maleeshiyo beeleed u watay  dagaal ku  qaadeen Puntland oo markaa uu MW u ahaa C/Yusuf. Maleeshiya beeleeddii Cadde Muuse watay waxa ka Saaray Puntland Ciidamo uu hogaaminayay MKX-kii Puntland Maxamad C/Xaashi/Dhulbhante. Doorashadii Cadde Muuse ee uu kaga guulaystay MKX-kii Puntland M'xad Cabdi Xaashi ayaa waxa ay noqotay Bilawgii JEEGAANTA Puntland ee Ci/Maxamuud iyo Cu/Maxamuud, Jeegaantan ayaa waxa iskgaga dambeeyey MW Faroole iyo C/Gaas dhamaan Majeerteen. 
 
 2004-kii Dawladdii Imbagaati ee ay xulafada ku noqdeen SRRC, hoogaamiye kooxdyaddii ayaa waxa ay noqotay Dawladdii Ku-meelgaadhka ahayd ee Federaalka Somalia/TFG ee u horaysay, waxana wax lagu qaybiyay habka 4.5, oo ay ugu yeedheen 4-ta beelood iyo badhka/beelaha laga badan yahay. Taas oo iyadana ay Xildhibaanada/Baarlamaanka Somalia loo qaybsaday 4.5.
 
           Arintan ayaa iyaduna keentay in Madaxwayne/Ra'iisal wasaare loo doorto oo qudha nin ka soo jeeda, Hawaiye, Majeerteen, iyo Mareexaan, Wasiirka KX/arimaha dibadda uu noqdo Dir, afhayeenka baarlamaanka uu noqdo Digil iyo Mirifle. Tani ayaa iyaduna noqotay JEEGAANTII labaad ee ka samaysanta Somalia oo noqotay lama taabtaan/Kooto. JEEGANTAN beelaysan ayaa waxa ay meesha ka saartay awood qaybsigii Somaliland iyo Somalia, labadii dal ee midoobay 1960-kii.     
 
      Doorasha madaxwaynenimo ee JEEGAANTA Somalia ayaa kolba ku xidhan kala iibsiga iyo qiimaha la kala siisto xubnaha beelaha aan ka soo jeedin labdan beelood Hawiye/Daarood, sida Dir, Digil iyo Mirfle, iyo Badhka .5.  Sii jiritaanka Dawlad Beeleedyada Somalia oon waxba ka duwanayn 4.5 ayaa waxa uu sii dheeraynayaa jiritaanka JEEGAANTA Somalia, xitaa/inkasta oo ay samaystaan Xisbiyo Siyaasadeed, maxaa yeelay salka 4.5 ayaa ah DAWLAD BEELEEDYADA.
 
       Hadaan ku soo noqono ka been sheegidda Jeegaanta Somaliland, ee lagu eedanayo H/Awal iyo H/Jeclo. Beesha H/Awal waxa ay 95% u codaysay Daahir Riyaale Kaahin/Samaroon, Gadabuursi April, 2003 markii u la tartamay MW Siilaanyo, H/Jeclo oo ahaa ama ka sharaxnaa Xisbigga Kulmiye. MW Daahir Rayaale oo u sharaxnaa Xisbigii UDUB, waxa uu  MWK ka dhigtay Axmad Yusuf Sheekh, H/Awal, wadaad aan siyaasad dibadeed iyo degaan u war hayn, ahaa sawir meesha iska fadhiyay, oo wax dhibaato ah ama khilaaf ah aan kala horiman siyaasadii MW Daahir Riyaale Kaahin. MW Daahir oo si daacadnimo iyo cadaaladi ku jurto u maamulayay Somaliland ayaa waxa majaraha u hayay shaqsiyaad beelaysan oo ahaa H/Yonis, sida Sulub iyo wasiiro kale oo ku haystay dano dhaqaale.
 
 
         Arintani waxa ay keentay in tartankii July, 2010 ee madaxtinimada ee Somaliland ee u dhexeyeey UDUB iyo  Kulmiye uu noqdo mid ay ku lool tamaan H/Yonis iyo H/Jeclo. Tartankaa waxa ay beesha H/Awal u codaysay MW Siilaanyo iyaka oo rajaynaya isbadal iyo Dawlad wanaag. Nasiib darro isbadalkii iyo dawlad wanaagii ay filanaysay beesha H/Awal kama iman Xukuumaddii MW Siilaanyo. MW Siilaanyo oo ah nin wax bartay garasho iyo waayo aragnimona u leh dawladnimada iyo maamulka, ayaa waxa haleelay DA'/Cimiri. 
 
       Arintani waxa ay keentay  in shaqsiyaad beelaysani H/Jeclo oo danaystayaal ahi u taliyaan MW Siilaanyo, kuna kacaan musuq maasaq iyo xatooyo xoolo dadwayne, oo ka ay mid yihiin Xirsi, Morgan, Du'aale,w/macdanta  iyo M/Xaashi, oon hore raali uga ahayn doorasha MW Biixi danahooga gaarka ah awgeed. Ilo lagu kalsoon yahay sheegay in M/xaashi ka qaatay lacag Turkiga markii u tagay ka hadalka HAWADA Somaliland/Somalia, sidoo kale Wasiir Mareexaan ayaa isna la sheegay in uu Turkiga kula kulmay wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga, taas oo uu amaan kala dul dhacay markii uu ka soo noqday Turkiga, iyada oo Turkigu dabar jabin ku hayo Somaliland, dhexdhaaxdna aan ka ahayn arimaha Somaliland iyo Somalia.
 
 
          Gabo gabadii doorasha MW Muuse Biixi iyo xakamaynta musuqmaasuqii wasiiradii qaar ee xukuumaddi MW Siilaanyo beeshay donaan ha ahaadeene ayaa waxa ay meesha ka saaraysaa JEEGAANTA Xukuumadda MW Bixii lagu eedeeyay, iyo in uu MW noqon karo muwadin kasta oo u dhashay SOMALILAND. 
 
    Waxa sugnaa waa DAACADNIMADII DAAHIR RIYAALE IYO DA'DII SIILAANYO WAXA XIGI.
 
 
 
        Mohamud Aden Samatar
        samatarapt@gmail.com 
 


Views : 204



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Dawlada Somaliya Oo Amartay In Caawa la Bilaabo Howl gallo Lagu Xaqiijinayo Amniga Muqdisho.