Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

"Dalka waan ka quustee. shoow weli dad baa nool." Cabdullaahi Maxamed Cumar



Thu 25 January 2018.

Nabad akhristayaal, salaantaasi kaddib; waxa beryahan innagu socdey, muujado xambaarsan: cadho, ceel, cabasho iyo cadaawad loo qaaday dalka iyo beelaha qaarkood.

Arrimahaasi waxay (Somalilander)ka dhabta ah ku beereen: werwer, walaac iyo maxaa soo yeedhi!

 

Taasi oo ku kaliftey qofkii xannuun lahaa, in uu kiniinka badsado - si uu uga badbaado: wadno xanuun, dhiigkar (faalij) iyo wixii la mid ah! Halka, qabiiligu uu ku raaxaysto: hadal xumada, hanjabaada iyo yooyootanka suldaanada saaqiday.

 

Berigii Deeleydu bilaabantay, ayuu nin maqlay dhawrkii tixood ee Deeleyda ugu horreeyey; markaasuu la yaabay ragga soo gabyaya tiiyoo lagu jiro, carjuuq dheh iyo cagajugleyntii Kacaankii Siyaad Barre. Markaasuu ninkaasi soo tiriyey, maanso ay ka mid ahaayeen ereyada aan cinwaanka uga dhigay qoraalkan gaaban.

Waxan dorraato daawaday, shirsaxaafadeed ay qabteen; khayr badan Alle ha siiyey qaar ka mid ah odayaasha reer Salaxley. Kuwaasi oo shirkaasi kaga hadlay dhawr arrimood oo dadka reer Somaliland ee waddiniyiinta ah aad uga farxiyey.

Sidaa awgeed, ayaan maanta u goostay - aniga oo weliba ka wakiil ah inta reer Somaliland ee ila dareenka ah; in aan odayaashaasi reer Salaxley ee Hargeysa ka hadlay ku hambalyeeyo

 

  • Sidii raganimada iyo codkarnimada lahayd ee ay arrimaha dalka uga hadleen
  • Sidii ay ganaf ugu dhufteen arrintii u ka hadlay suldaan Maxamed
  • Iyo maawqifka ay ka qaateen shirkii lagu baaqay


Sidaa aawadeed, kun jeer hambalyo daljirayaasha sharafta lahoow. Inta kalana Alle ha soo hanuuniyo.

 

 

"Waddaniga dhabta ah Alloow dhawr" Aamiin...

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

 

Email: timacadde56@hotmail.com



Views : 84



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Dawlada Somaliya Oo Amartay In Caawa la Bilaabo Howl gallo Lagu Xaqiijinayo Amniga Muqdisho.