Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Kenya Oo Duqeeyay Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo.



Sat 20 January 2018.

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka aroortii ay ciidamada Kenya duqeeyeen deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday guryo iyo anteeno ay laheyd mid ka mid ah shirkadaha isgaasiinta ee xarumaha ku leh degmada.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta kaddib ay ciidamada Kenya gudaha u soo galeen degmada Ceelwaaq oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda.

Lama oga sababta ka dambeysa duqeynta ciidanka Kenya u geysteen Ceelwaaq, hase ahaatee dhowr jeer oo hore ayay Ciidamada Kenya sheegeen in weerarada laga geysto gudaha Kenya laga soo abaabulo Ceelwaaq.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Ciidamo Kenyan ah oo ka soo gudbay xuduuda iyo Ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dagaalameen degmada Ceelwaaq, kaddib markii Ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa la dagaalanka Argagixisada ay isu soo ekeysiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay kala shakiyeen iyaga iyo ciidanka dowladda, iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhintay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda.



93 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines