Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowladda Ghana Oo Digniin Adag U Dirtay Shirkadda British Airways.



Fri 19 January 2018.

Wsaiirka duulista hawada ee Ghana Cecelia Dapaah ayaa uga digtay shirkadda diyaaradaha ee British Airways in ay wajihi karto mamnuucid, ka dib markii mid ka mid ah diyaaradaheeda lagu arkay Kutaan.

Wargays ka soo baxa dalka Britain ayaa qoray in mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda British Airways oo duulimaad ku kala bixinaysay London iyo Accara la hakiyay muddo 4 saacadood ah ka dib markii kuraasta diyaarada lagu arkay cayayaan qulqulaya.

Shirkada diyaaradaha ee British Airways ayaa sidoo kale bayaan ka soo saartay arrintan.

Shirkadda ayaa sheegtay in dhacdadani ay tahay mid dhif iyo naadir ah islamarkana khubaro loo saaray si ay tillaabo degdeg ah u qaadaan.

Shirkadda British Airways ayaa duulimaadyo toos ah ugu kala gooshta UK iyo Ghana.

Saraakiisha shirkadda ayaa sheegay in Ghana ay u tahay goob muhim ah oo ay diyaaradahooda duulimaad ku tagaan.



73 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines