Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Galmudug Xaaf Oo Laga Mamnuucay Deeganada Degmada Cadaado.



Thu 18 January 2018.

Odayaasha dhaqanka Beesha degta magaalada Cadaado ayaa caawa ku dhawaaqay go’aan lama lid ku ah, maamullka Galmudug kaasoo magaalada looga mamnuucay inuu soo galo ama dhex maro deegaanada ay degaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

War murtiyeed ay kulankooda ka soo saareen ayaa waxa lagu soo koobay afar qodob oo lid ku ah madaxda maamulka Galmudug waxuuna u dignaa Sidan:

1 Beesha Cadaado ma aqoonsan doonto Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo ah Madaxa Xukuumadda Galmudug ilaa xal laga gaadho maqaamka Cadaado.

2 In ammaanka deegaanada uu yahay mid lama taabtaan, isla markaana maamulka deegaanka uu ka mas’uul yahay.

3 Waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada in aanay aqoonsaneyn wixii maanta ka dhacay Dhuusamareeb.

4 Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaa ka mamnuuc ah inuu magaaladaas soo galo ama dhex maro deegaanada ay degaan.

Si kastaba ha ahaatee waxa maanta magaalada Cadaado ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo shirka Dhuusamareeb iyo heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug ayadoo ay halkaasi iskug soo baxeen dadweyne fara badan.



92 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines