Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Suuriya Oo Gaas Sun ah U Adeegsatay Weerar ay ka Fulisay Deegaanada Ay Falaagadu Maamulaan Ee Duleedka Dimishiq



Sat 13 January 2018.

Weerar loo adeegsaday gaaska Koloriinka ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu qaaday deegaan lagu hareereysan yahay oo fallaagadu haysato oo ku yaalla duleedka magaalada caasimadda ee Dimishiq.

Dadka ku nool gobolka bariga Ghouta, kaasoo maalin kasta la duqeeyo, ayaa ku soo warramay inuu u soo uray gaas, ka dib weerar gantaal, sida ay BBC ogaatay.

Shaqaalaha caafimaadka waxay sheegeen in lix qof laga daweeyey xanuuno yaryar oo xagga neefsashada ah.

Ilaa 400,000 oo qof ayaa waxaa halkaa ku hareereeyey ciidanka uu Ruushku taageero, tan iyo 2013.

Waxaa jiray tiro weerarro ah oo loo adeegsaday gaaska Koloriinka tan iyo markii uu billowday dagaalka ahliga ah ee Suuriya, laakin xukuumaddu waxay mar walba beeninaysaa inay hub kiimiko ah adeegsatay.

"Bariga Ghouta oo hareereynta lagu hayo ay sababtay musiibo bani'aadminimo , deegaannada ay dadku deggan yihiin waxaa laga garaacaa cirka iyo dhulka habeen iyo maalin, dadkana waxaa lagu khasbaa inay galaan dhulka hoostiisa" sidaa waxaa hadal qoraal ah ku sheegay Zeid Ra'ad al-Hussein oo ah sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha.

Gobolka bariga Ghouta ayaa ah mid istaraatijiyad ahaan muhiim ah, ayadoo fallaagada halkaa saldhigga ku leh ay awood u leeyihiin inay gantaallo ku ridaan xaafadaha ay dadku deggan yihiin ee Dimishiq.



Views : 28



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines