Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Tuug Dadka ku dhici-jiray Qori Macmal ah Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawirro)



Sat 13 January 2018.

Maamulka Degmada Kaaraan ayaa Xalay gacanta ku soo dhigay Wiil dhalinyaro ah,oo si Tuuganimo ah Shacabka kaga dhici jiray qori macmal ah Mobile-lada iyo Lacagaha ay sitaanba.

Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa intaasi ku daraya in uu Wiilkaasi Tuugga ah uu Dadweynaha ku dhici jiray Qoray Macmal ah oo ka sameysan Alwaax iyo biro la isku kab kabay, kaasi oo loo ekeysiiyay Qoriga AK 47.

Guddoomiyaha Degmada Kaaran Abdulfatah Nuur Cali oo ka hadlay goobtii lagu soo bandhigay Wiilkaasi Tuugga ah iyo waxyaabaha uu Dadka ku dhici jiray, ayaa sheegay in ay Ciidamada Ammaanka ee Degmada ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo Wiilkaasi oo Dadweynuhu ay khaati ka joogeen, isagoo intaasi raaciyay in loo gudbin doono Hey’adaha ku shaqada leh Dacwadiisa.

 



62 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines