Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Daawo Qaabkii Galabta Madaxwayne Farmaajo Loogu soo Dhaweeyay Magaalada Gaalkacayo.( Sawiro)



Sat 13 January 2018.

Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo magaalada Gaalkacyo ayaa la mid aheyd soo dhoweyntii loogu sameeyay Garowe, Qardho iyo Boosaaso, halkaasoo kumanaan dadweyne ay waddooyinka iyo fagarayaasha isugu soo baxeen.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa diyaarad ka soo qaaday magaalada Boosaaso, oo horay safar dhinaca dhulka ah ugu tageen.

Dadka reer Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay Geel huwan astaanta Calanka Qaranka (Hashii Maandeeq), waxaana ay jawaab u aheyd hadiyadihii dhaqan ee lagu guddoonsiiyay Qardho iyo Boosaaso, kuwaa soo ka mid aheyd Faras.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu caawa ku hoyan doona dhanka Waqooyi ee Maamulka Galmudug, waxaana ay berri uga sii gudbi doonaan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug, kadibna waxaa ay aadi doonaan Caabudwaaq iyo Dhuusa Mareeb.



109 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines