Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wafdi Hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo Oo Goor-dhayd Gaadhay Magalada Gaalkacyo.



Sat 13 January 2018.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha Waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maaamulka Gobolka Mudug ee labada dhinac. Waxaana la filayaa inay caawa ku hoydaan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Gaalkacyo kula hadli doona Fagaaraha Kamaaludiin, halkaasoo boqolaal shacab isugu soo baxeen.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu uga gudbo Gaalkacyo, deegaanada kale ee Galmudug, sida Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines