Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Somaliya Xaliimo Yareey Oo Xabsiga Laga sii Daayay.



Sat 13 January 2018.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in goor dhaw Xabsiga laga sii daayay guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)

Xaliimo Yareey oo la hadashay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in xabsiga ka soo baxday, laakiin ma aysan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan.

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo odayaal deegaanka ah oo ku booqday guriga ay ka degan tahay Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay in ay raali-galin ka bixiyeen xariga guddoomiyaha.

Guddoomiyaha guddiga Madaxa-bannaa ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa socdaal shaqo ku mareysa deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.



Views : 19



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines