Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Booliska Canada Oo ka Hadlay Gabadh 11 jir ah Oo Maqas Looga Jaray Xijaabkii ay Xidhnayd.



Sat 13 January 2018.

Booliiska dalka Canada aya waxay sheegeen in weerarka la sheegay in nin uu u gaystay gabadh 11 jir ah oo uu isku dayay in uu xijaabka ka jaro uu ahaa dambi nacayb ku salaysan.

Khawlah Noman, oo 11 jir ah ,ayaa u socotay iskuulka waxa ayna wada socdeen walaalkeed markaasi oo ninkani uu gadaal uga yimid isaga oo maqas wata.

Miss Noman ayaa sheegtay in ay qaaylisay ka dib na ninkii uu cararay islamarkana ay ka war heshay Xijaabkeeda oo la jaray.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in qofka weerarka gaystay uu asal ahaan ka soo jeedo dalalka Eeshiya islamarkana uu ku jiro da'da labaatameeyada.

Gabadhan yar ayaa sheegtay in ay imika dareemayso cabsi badan weerarka ka dib.

Raisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa cambaareeyay falka lagu weeraray gabadhani.

Mr Trudeau ayaa sheegay in falkaasi uusan ka turjumayn waxa Canada ka jira



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines