Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Dib Ugu Noqonaya Heshiiskii Dhinaca Cimilada Ee Lagu Gaadhay Paris.



Thu 11 January 2018.

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu dalkiisa u furan yahay inuu dib ugu biiro heshiiska Paris ee isbadelka cimilada waa haddii Mareykanka loo soo bandhigo heshiis wanaagsan.

Mr Trump ayaa sheegay in ganacsiyada Mareykanka uu heshiiskan si aan cadaalad ahayn ciqaab u marsiiyay.

Bishii June ee sanadkii hore ayey aheyd markii uu ku dhawaaqay inuu isaga baxayo heshiiskaasi lagu doonayo in lagu dhimo uumibaxa caalamka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u caddeeyay in uu albaabku wali u furan yahay kasii mid ahaanshaha heshiiska cimilada ee Paris, sida uu sheegay wasiirkiisa arrimaha dibadda.

Arrintan ayaana kusoo beegmatay saacado uun ka dib markii Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka uu ku adkaystay in aan wax isbadal ah lagu samaynaynin siyaasadda Maraykanka.

Rex Tillerson ayaa sheegay in Maraykanku uu heshiiskaas ka sii mid ahaan doono "haddii la samayn karo shuruudo aan rumaysannahay in ay dhexdhexaad yihiin".

Haddalkiisan ayaa yimid iyadoo Aqalka cad uu goor sii horraysay diiday wararka sheegaya in Maraykanku uu dabcinayo meeshii uu ka taagnaa heshiiskaas.

Bishii Juunyo Trump ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu ka baxayo heshiiskaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaas uu ka mid yahay "hawlaha uu ka difaacayo Maraykanka" isaga oo ku tilmaamay in dhaqaalaha Maraykanka lagu dabrayo iyada oo arrintaas loogu xaglinayo Shiinaha iyo Hindiya.



121 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines