Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Iraan ka Dalbaday sii Deynta Dadka loo Xidh-xidhay Mudaharaadada.



Thu 11 January 2018.

Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay in xukuumadda Iran ay sii deyso dhammaan dadkii lagu xirxiray intii ay socdeen dibadbaxyadii dhawaan ka dhacay dalkaasi ee dhanka ahaa xukuumadda.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in maamulka Trump uu si qoto dheer uga walaacsan yahay in xukuumadda Iran ay xabsiga u taxaabtay kumanaan qof oo ka qeybqaadanayay wax ay ku tilmaantay dibadbaxyo nabad ah.

Ilaa iyo haatan lama garanay tirada rasmiga ah ee dadka la xirxiray,haseyeeshee waxaa la xaqiijiyay ku dhawaad kun qof oo rayid ah, balse illo wareedyo kale oo ku sugan gudaha Iran ayaa tirada intaasi ka badinaya.

Taageeradan cusub ee Mareykanku u muujiyay diabadbaxayaasha ayaa kusoo beegmeyso xilli madaxweyneTrump uu go'aansanayo muddo u kordhinta cunaqabateynaha saaran Iran ka hor inta aan la gaarin muddada kama dambeysta ah oo ku began Jimcaha.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines