Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowlada Kuwait Oo Balan-qaaday Inay Mashaariic Horumarineed ka Fulin-doonto Somaliya.



Wed 10 January 2018.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo  ka qaybgalka shirka wasiirada qorshaynta ee dawadaha carabta ujooga dalka kuwait, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Diiwaanka dalkaasi Shiekh Cali Jaraax Al sabaah, kaas oo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabullaahi Farmaajo, kuna socday amiirka dalkaasi.

Wasiirka Ayaa ugu horeyn waxuu warbaxin ka siiyay wasiirka arrimaha diiwaanka Horumarka dowladda Soomaaliya ay sameysay iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Dowladdaha Soomaaliya iyo Kuwait.

Mudane jamaal Maxmaed Xasan ayaa dowlada kuwait ujeediyay in mahsaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan, tasoo shaqo abuur u noqanayso dhalinyrada somaaliyeed, qeyb wayna ka qaadan doonta horumarka dalka.

Wasiirka arrimaha diiwanka dalkaasi Shiekh Cali Jaraax Al sabaah, ayaa balan qaaday in dhambaalka uu gaarsiin doona amiirka dalka Kuwait, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay ka taageeri doonan mashriicada horumarineed ay u baahan tahay, iyaddoo loo soo marsiinayo Sanduuqa Horumarinta dhaqaalaha dalka Kuwait.

Dhinac kale Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Harumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Somaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeybgalay shirka madaxda Wasaaradaha Qorsheynta Wadamada Carabta oo dalkaasi maanta ka furmay, waxaana shirkaasi oo socon doonaa muddo labo maalin ah.

Waxyaabaha diiradda lagu saari doono shirkaasi waxaa kamid ah howlaha shaqo ee la qaban doona sanadan iyo sare u qaadista tayada hay’addaha dowladaha carbeed oo ay ka mid yihiin tababaro kala duwan oo la siinayo dhammaan shaqaalaha Dowladaha carbeed.

Wasiir Jamaal, ayaa shirkaasi maalinta barri ah ka jeedi doona Khudbad uu kaga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo doorka soomaaliya kaga aadan waxybaaha sanadkaan la qaban doono.



137 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines