Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Farmaajo Oo Goor-dhowd Siwayn Loogu soo Dhaweeyay Magaalada Qardho.



Wed 10 January 2018.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow lagu soo dhaweeyay Magaalada Qardho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Waxgaradka degmada ee uu ka mid yahay Boqor Burhaan iyo dadweyne faro badan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ah madaxda gaartay magaalada Qardho iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka Qardho.

Madaxweyne Farmaajo oo safar dhulka ah ku tegey magaalada Qardho ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta degmada ,waxgaradka iyo duubabka dhaqanka.

Kahor inta uusan Madaxweynaha uusan gaarin magaalada Qardho ayuu dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Dangoronyo iyo degmada Eyl ee Gobalka Nugaal.

Wadadan laamiga ah ayaa anfici doontaa shacabka Gobalka Nugaal oo baahi weyn u qabay, waxayna soo dhaweeyeen Talaabadan hormarka oo hore loo qaaday.



128 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines