Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xarunta Ciidanka Asluubta Somaiya Oo 27 Sanno Kadib Xadhiga Ka Jaray.(Sawiro+Video)



Wed 10 January 2018.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya Avv Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta si wadajir xariga ugu jaray Xarunta ugu weyn Taliska Ciidanka Asluubta oo in muddo ah burbursanayd.

Xaruntan oo ku taalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ay ahayd mid muddo dheer bur bursaneyd waxaana hadda dib u dhis ku sameeyay Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig jarka waxaa wasiirka kala qeyb galay saraakiisha Ciidamada Asluubta oo uu ugu horreeyo Taliya Ciidamad Asluubta Soomaaliyeed, saraakiil kale oo lagu casuumay iyo xubno kale.



101 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines