Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasiirka Maaliyada Beyle Oo kula kulmay Doha Dhigiisa Dalka Qadar Cali Shariif (Sawiro)



Tue 09 January 2018.

Wasiirka Maaliyadda Dawlada Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Doha, ayaa la kulmay Wasiirka Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Cali Shariif Al-Emadi, iyaggoo ka wada hadlay arrimaha horumarinka iyo xiriirka dhaqaale ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka, ayaa sheegay in dhigiisa uu kala hadlay qodobo ay kamid yihiin Xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Qadar ka dhaxeeya, isaggoo xusay in Dalka Qadar uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda Dalalka Islaamka oo magaaladda Doha lagu qabtay.

“Maanta waxaan la kulmey dhigeyga Wasiirka Maaliyadda Dalka Qadar Mudane Ali Shareef Al–Emadi oo aan ka Wada hadalney xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Qatar dhinaca kale waxaan ka Wada qeyb gelnay shirka wasiirada Islaamka ee lagu qabtey Doha” ayuu yiri Wasiir Beyle.



130 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines