Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maraykanka Oo Dowlada Somaliya ku Wareejiyay Gaadiidka Aan Rasaasta Marin.(Sawiro)



Tue 09 January 2018.

Sargaal ka Socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowlada Mareykanka ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ku Wareejiyay lix gaari oo ah kuwa aan xabadaha karin.

Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Federalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugaga mahadceliyay dowlada Maraykanka deeqda gaadiidka ay ku soo wareejisay wasaarada gaashaandhiga.

Mareykanka ayaa ka taageera Soomaaliya qalabeynta, tababarka iyo taakuleynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya

Sidoo kale dhowaan ayay dowlada Maraykanka waxa ay ka joojisay dowlada Soomaaliya sahaydii ay siin jirtey ciidamada Milatariga kadib markii uu soo dhex galay shaki ah in la musuqmaasuqo gargaarka la siiyo ciidamada Milatariga Soomaaliya.



92 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines