Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Kuuriyada Waqooyi Oo Ciyaartoyga Uga Qayb-galaya Koobka Olambigga U Diraysa Kuuriyada Koonfureed.



Tue 09 January 2018.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Kuuriyada Koonfureed u diraysa ciyaartoy uga qayb gali doona ciyaaraha xilliga qaboobaha ee Olambigga sannadka 2018ka, sida ay sheegeen saraakiisha Koonfurta.

Heshiiskan ayaa yimid ka dib markii masuuliyiin sarsare oo labada dal ka kala socda ay kulan yeesheen markii u horraysay muddo labo sano ah.

Kulankan ayaa billawday 10:00 saacada deegaankaas wuxuuna ka dhacay Guriga Nabadda ee ku yaalla tuulada wada xaajoodka ee Panmunjom.

Dadka Kuuriyada Koonfureed uga qaybgali doona ciyaarahaas waxaa ka mid noqon doono ciyaartoyda ciyaaraha fudfudud, masuuliyiin iyo waliba taageereyaal.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale soo bandhigtay in la mideeyo qoysaskii uu kala qaybiyay dagaalkii Kuuriya

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay joojisay barnaamij dhaqaale oo labada dal iska kaashanayeen, arrintaasina waxay timid ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay madaafiic iyo Nukliyeer.

Dhacdadaas ayaa keentay in Kuuriyada Waqooyina ay jarto xiriirkii isgaarsiineed ee kala dhexeeyay Kuuriyada Koonfureed.

Bishii Diseembar ee 2015kii ayaa ugu dambaysay wadahadal heer sare ah oo ay labada dal yeeshaan.

Xiisadda labada dal u dhaxaysana cirka ayay isku sii shareertay muddo sannado ah iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay sii waddo hormarinta barnaamijyadeeda hubka ee la mamnuucay.



Views : 24



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines