Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xukuumada Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inay Dad ka Barakacisay Duleedka Muqdisho.



Tue 09 January 2018.

Dallada ay ku mideysan yihiin ururada aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda federalka in ay barakicineyso qoysas barakacayaal ah oo ku nool duleedka magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Dallada ayaa lagu sheegay in 21 deegaan oo ay degenayeen in ka badan 5,807 oo qoys la dumiyey, iyadoo halkaas lagu bur buriyey agab ay dadkaas lahaayeen iyo waxyaabo kale oo noloshooda asaasi u ahaa.

Dalladan ayaa sidoo kale sheegay in barakicintan lagula kacayo dadka ka soo barakacay deegaanada ay ku noolaayeen sababo la xiriira abaaro iyo ammaan darro awgeed aysan ahayn mid sharciga waafaqsan waxana ay ka soo horjeedaa sharciga dhowrista xuquuqda aadanaha.

Toddobaadkii hore ayaa isu duwaha howlaha bani’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clercq ayaa sheegay in burburinta lagu hayo dhismayaasha barkacayaasha duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda ay kumanaan ruux ku barakaceen.

Hase yeeshee maamulka degmada Kaxda ayaa sheegay inuusan maamulku barakicin balse dhulka ay degenaayeen qoysaska barkacayaasha ay lahaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed sidaas awgeedna loogaga raray balse waxa uu sheegay guddoomiyaha degmada Kaxda in deegaano kale la dejiyay barkacayaasha.



90 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines