Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Kenya Oo Qiratay in Al shabaab Isgaarsiinta ka Jareen Magaalooyin ka Tirsan Gobolka Waqooyi Bari.



Mon 08 January 2018.

Saraakiil u hadashay Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Rag ay rumeysanyihiin in ay ka tirsanyihiin Xarakada AL-shabaab ay jareen Isgaarsiintii Magaalada Katulo ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Taliyaha Booliska Wajeer  Stephen Ngetich,ayaa xaqiijiyay in Niman Hubeysan ay Garneyl ku dhifteen dhismaha Laanta Sharikadda Safaricom ee Magaalada Katulo halkaas ay ku burburtay anteenadii sahleysay wada xiriirka dadka degaanka iyo dalka Kenya intiisa kale.

Waxaa uu sheegay in saraakiisha iyo Ciidamada Kenya ee degaankaas ay badqabaan islamarkaana uusan jirin qof ay wax ku gaareen weerarka AL-shabaab ee Magaalada Katulo.

 

Weerarkan ayuu sheegay in uu dhacay Axaddii,iyada oo Ciidamada Amaanka ee fadhigoodu yahay Ceelwaaq iyo Kuwa Katulo uu xiriirkooda jarmay muddo kooban hayeeshee markii dambe la adeegsaday isgaarsiinta dowladda u gaarka ah.

Stephen Ngetich,waxaa uu xusay in aysan oggolaaneyn in Nabadda iyo amniga Wajeer oo uu sheegay in uu hadda wanaagsan yahay aan la caqabadeyn karin,ayna ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarrada Al-shabab ee degaankaas.

Al-shabaab dhinacooda kama hadlin weerarka ay Kenya ku eedeysay waxaana Kenya marwaliba sheegtaa in weerarrada ka dhaca degaankaas ay fuliyaan AL-shabaab,kuwaas oo inta badan lala beegsado Ciidamada Kenya iyo dadka Kenyaanka ah ee aan u dhalan Gobolka Waqooyi Bari.



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines