Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamo ka Tirsan Dowladdda Soomaaliya Oo Lagu Diley Duleedka Muqdisho.



Mon 08 January 2018.

Ugu yarana afar askari oo katirsan ciidamada dawladda ah ayaa ku dhintay rasaas xalay ka dhacday meel u dhow deganaka Ceelasha Biyaha, ee duleedka Muqdisho, sida ay sheegeen Ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow mas'uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose.

Rasaastan ayaa la sheegay inay ka dambaysay markii qarax uu qabsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda, kadibna jahwareerka ka dhashay ay keentay in ciidamo kale oo goobta ka agdhawaa ay rasaas ugu daraan gaarigii qaraxa qabsaday, taas oo keentay dhimashada askarta. Askarta rasaasta riddey ayaa u qaatay in gaarigan uu doonayay in uu isku qarxiyo iyaga, sida ay mas'uuliyiin sheegeen.

Qaraxa baabuurka qabsaday ayaa la sheegay inuu khasaare gaarsiiyey baabuurkii ay wateen ciidanku. Weerarkan ayaa la sheegaya inuu dhacay wax yar ka hor 9-kii fiidnimo xilliga Muqdisho.



128 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines