Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Akhriso: Xal Laga Gaadhay Khilaafkii Ragaadiyay Rugta Ganacsiga Somaliya.



Mon 08 January 2018.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa sheegtay Inay xal ka gaadhay khilaafkii ragaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Hoggaanka Rugta Ganasiga Soomaaliya..

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Fadaraalka Soomaaliya oo ku taariikheysnaa 3-dii bishan 1aad, ka hor inta aan xilka laga qaadin Wasiiradii Ganacsiga Khadro Axmed Ducaale ayaa lagu shaaciyay in xal kama dambeys ah laga gaaray khilaafkii ka jiray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana qoraalkan lala socodsiiyay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Sidoo kale Wasaaradda Ganacsiga ayaa ka noqotay kala diristii Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo jiritaankeeda la baabi’iyay bishii Agoust ee sanadkii hore, waxaa ay sidoo kale Wasaaradda si KMG ah ugu aqoonsatay Hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir muddo labo sano ah inta doorasho looga diyaarinayo.

Halkan hoose ka akhriso

 

 



102 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines