Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxwayne Farmaajo Oo Xadhiga ka Jaray Garoonka Dyaaradaha Garowe.(Sawiro)



Mon 08 January 2018.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo  madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xadhiga ka jaray garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Xaflada Furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin faro badan oo ka kala socday dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa kulamo wadatashi ah xalay la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qaar ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada.



137 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines