Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Saraakiil ka Tirsan Maamulka Donald Trump Oo Difaacday Caafimaadka Maskaxda Madaxwaynaha.



Sun 07 January 2018.

Saraakiil ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa taageeray oo garab istaagay Madaxweyne Trump ka dib markii uu soo baxay buuga lagu durayay caafimaadka Trump.

Buugan ayaa waxaa qoray nin lagu magacaabo Michael Wolff waxaana ka dhashay dooda badan oo la xiriira caafimaadka Trump.

Dadka difaacay dhaqanka iyo dabeecada Madaxweyne Donald Trump waxaa ka mid ah Madaxa hay'ada sirdoonka ee CIA.

Madaxweyne Trump laftirkiisa ayaa weli wada inuu si aad ah isu difaaco ka dib markii uu buugan soo baxay.

Kullanka la sheegay in Ruushka lala yeeshay oo uu ka qeybgalay wiilka curadka u ah Trump, waxaa baaritaan ku haya guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Robert Mueller, kaas oo eegaya xiriirkii ka dhexeeyay kooxdii ololaha u qaabilsanayd Trump iyo Ruushka iyo kaalintii uu ku lahaa guushiisii madaxtinimo.

Madaxweyne Trump ayaa si adag u diiday eedahaasi iyo in ay dheceen kulamo noocaas ah.

Mr Trump oo Khamiistii la weydiiyay in ninkii u qaabilsanaa istiraatiijiyadda uu khayaanay wuxuu ku jawaabay: "Ma garanayo, wuxuu igu tilmaamay nin fiican xalay, marka waxaa iska cad in si degdeg ah uu maskaxdiisa u badalay."

Xubin ka tirsan Jamhuuriga Rebekah Mercer, oo sidoo kale ay isla shaqeeyeen Mr Bannon ayaa dhankeeda buugga cambaareysay.



117 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines