Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dad Badan Oo ku Dhintay Qarax Xoogan Oo ka Dhacay Dalka Suuriya.



Sun 07 January 2018.

Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa waxay sheegayaan in qarax ka dhacay deegaanka Idlib ay ku dhinteen sideed iyo tobon qof.

Qaraxan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Magaaladda Waqooyiga ku taala ee Idlib oo ay haystaan mucaaradka dowladda la dagaalama.

Lama hubo sababta qaraxan dhalisay balse urur xuquuqul insaanka u dooda oo London degan ayaa sheegaya in bartilmaameedku uu ahaa xarunta mucaaradka.

Magaaladda Idlib waxaa si weyn ugu xoogan xoogaga mucaaradka la dagaalamada Dowladda Bashar Al-asad.

Dhowaan ayay ahayd markii la duqeeyey isbitaal ku yaalla bariga Ghouta ee waqooyiga gobolka Idlib.

Waxaa jira warar sheegaya in 125 caruur ah ay u baahan yihiin in halkaasi laga soo qaado kuwaasi oo u baahan qalliino naftooda lagu badbaadinayo.

Dowladda Suuriya ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay guulo ka soo hoyinaysay dagaalada ay kula jirto mucaaradka.

Balse weli waxaa dalkaasi ka taagan dagaalo u dhaxeeya ciidanka Dowladda Suuriya oo Ruushku uu taageerayo iyo jabhado kala duwan oo kala ujeedana ah.



83 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines