Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Iskahorimaad Hubeysan Oo ku Dhex-maray Ciidamada Booliiska iyo Kuwo Nabadsugid ah Magalada Muqdisho.



Sun 07 January 2018.

Hal askari ayaa ku dhintey mid kalana waa uu ku dhintey iskahorimaad hubeysan oo ku dhex maray magaalada Muqdisho ciidamo Boolis ah iyo kuwo nabadsugid ah.

Iskahorimaadkan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Saldhiga Booliiska degmada Howlwadaag oo aanan sidaa u kala fogeyn.

Goobta israsaaseynta ka bilaabatay ayaa waxaa taagnaa gaadiid badan oo dad rayid ah ay saarnaayeen hase yeeshee mar jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Iskahorimaadkan ayaa joogsaday kadib markii ciidamo kale ay halkaa gaareen lama oga sababta dhabta ah ee keentay iskahorimaadkan.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca iskahorimaad hubeysan oo dhex mara ciidamada dowlada.



130 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines