Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Al-Shabaab Oo Sheegtay in Madaafiic Lagu Garaacday Saldhig Ciidanka Puntland Ee Galgala.



Sun 07 January 2018.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar madaafiic ku qaaday saldhig Ciidanka Puntland ku leeyihiin buuraha Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso.

War lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in illaa 10 madfac ku garaaceen saldhigga Ciidanka Daraawiishta Puntland ku lahayaeen Galgala.

Idaacadda ku hadasha afka Shabaab ee Andalus ayaa sheegtay in weerarka madaafiic ee lagu qaaday saldhigga ciidan ay ka dhalatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka daraawiishta Puntland iyo laamaha ammaanka oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab ee madaafiicda lagu garaacay saldhiga ciidan.



112 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines