Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dhowr iyo Toban Oof Oo Lagu Dilay Weerrar ka Dhacay Gobolka Casamance Senegal.



Sun 07 January 2018.

Saddex iyo toban qof ayaa lagu dilay weerrar ka dhacay magaalada loo nasiino tego ee gobolka Casamance ee waddanka Senegal.

Howlwadeennada isbitaalka la geeyay maydadka ayaa sheegay in dadka dhintay qaarkood la toogtay halka kuwo kalana qoorta laga jaray.

Dadka dhintay ayaa la sheegayaa inay yihiin dhalinyaro.

Ilaa iyo haatan ma ay cadda cidda ka dambaysay weerrarka.

Gobolka Casamance ayaa waxaa ka taagnaa colaad daba dheeraatay oo u dhaxaysay dowladda iyo fallaagada MFDC, taas oo doonaysa inay madaxbannaani gobolkaasi gaarsiiso, kumannaan qof ayaana colaaddaasi ku dhintay.

Milateriga Senegal ayaa sheegay in weerrarka ay suuragal tahay inuu xiriir la leeyahay markii dhawaantan fallaagada MFDC laga sii daayay laba qof oo ay haysteen.

Gobolka Casamance oo mar ahaa mid ku wanaagsan dalxiiska ayaa waxaa caasimadda Senegal ee Dakar ka gooyay waddanka Gambia.

Gobolkan waxa uu hoy u yahay dhowr qowmiyadood, oo ay ku jiraan masiixiyiin badan, halka dhinaca waqooyina ay u badan yihiin saddex qowmiyadood oo bulshooyinkoodu ay Muslimiin yihiin.

Qulqulatooyinka gobolkaasi ka dhacayay ayaa yaraaday tan iyo 2014 markaas oo xabbad joojin ay isku afgarteen dowladda iyo fallaagada.



Views : 24



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines