Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dagaal Culus Oo Galabta ku Dhex-maray Ciidamada Dawlada Iyo Alshabaab Degmada Balcad.



Sat 06 January 2018.

Dagaal ayaa galabta ka dhacay agagaarka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogag taabacsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dhacay halka loo yaqaan Haanta Shiikh oo dhowr km dhinaca woqooyi kaga toosan degmada Balcad.

Daryanka rasaas iyo qaraxyo la isku adeegsanayey ayaa laga maqlayey gudaha degmada galabta illaa caawa maqribkii sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan degmadaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay iney iska caabiyeen weerar kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen fariisin ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ayna khasaare xoogan gaarsiiyeen iyagoo sheegay iney hayaan meydadka rag ay ka dileen.

Al-Shabaab dhinacooda war lagama hayo, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa caawa degan sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaaraya, waxaana la geeyey ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Milateriga Somalia.



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines