Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Nin Hubaysan Oo Qabsaday Guriga Fanaaniinta Somaliland Ee Hargeysa.



Sat 06 January 2018.

Nin hubaysan ayaa xalay cawayskii  qabsaday Guriga “Hoyga Fanka” ee fanaaniinta qaranka ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland ay ku leeyihiin caasimadda Hargeysa.

Waxaa la xaqiijiyey in xalay abaaro 12kii habeenimo nin sitay qori AK ah uu  xoog ku galay gurigaas oo xidhnaa oo laga caraabay, kadibna uu qori ku qabtay  waardiyihii  guriga oo uu dibadda saaray.

Warku wuxuu  intaas ku daray in ciidanka booliska oo ka war helay dhacdadan ay ninkii xidheen oo ay baadhayaan asbaabaha ku kalifay inuu qabsado guriga fanaaniinta qaranka.

Agaasimaha waaxda dhaqanka iyo Ku-xigeenkiisa, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Yare) iyo Maxamed Maxamuud Cigge (Busi) oo aanu wax ka weydiinay ayaa sheegay in ninkaasi uu ciidanka Booliska u sheegtay inuu yahay nin askari boolis ah isla markaana uu ka mid yahay qoyska gurigan leh oo aan la siinin kiradii muddo saddex bilood ah, sidaas darteedna uu u soo weeraray guriga.



Views : 29



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines