Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasiiro Ka Tirsanaa Xukuumada Mugabe Oo Lagu Maxkamadeeyay Dalkaasi Zimbabwe.



Sat 06 January 2018.

Laba nin oo horey wasiiro u ahaa ayaa maxkamad la soo taagay dalka Zimbabwe.

Wasiiradan ayaa waxa lagu soo oogay dacwad la xiriirta falal musuqmaasuq.

Wasiirkii hore ee tamarta Samuel Undenge,ayaa lagu eedeeyay in uu qandaraas dhan 12,000 oo doolar uu siiyay shirkad aan shaqaynin.

Walter Mzembi oo ahaan jiray wasiirka arrimaha dibada xilligii Mugabe ayaa lagu eedeeyay in qalab ay dowladda lahayd uu ugu deeqay Kaniisado isaga oo aan wax ogolaanshiyo ah haysan.

Labadani nin e horey wasiirada u ahaan jiray ayaa beeniyay eedeeymaha loo soo jeediyay.

Kiiskooda ayaa lagu wadaa in dib loo dhagaysto dabayaaqada bishan aanu ku guda jirno.

Madaxwaynaha cusub ee dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, ayaa horey u balanqaday in uu wax ka qaban doono musuqmaasuqa dalkaasi ka jira.

Balse dadka dhaliila madaxwynaha ayaa waxa ay ku eedeeyeen in uu bartilmaameedsanayo oo kali ah dadka ka soo horjeeda.

Dadka reer Zimbabwe ayaa ka sugaya madaxwayne Emmerson Mnangagwa isbadal dhan waliba ah.

 



137 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines