Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mudaharaado ka Dhan ah Dawlada Oo Mar-kale Maanta Dib Uga Curtay Iran.



Sat 06 January 2018.

Dibadbaxyo cusub oo dowladda looga soo horjeedo ayaa ka dhacay dalka Iiraan.

Dibadbaxyadani ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo ku yaalla dalkaasi Iiraan.

Wararka ka imanaya dalka Iiraan ayaa sheegaya in in ka badan 1700 oo qof la xiray tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen.

Dibadbaxyadani oo dalka Iiraan ka bilaabmay dabayaaqadii bishii December ayaa waxa inta la ogyahay ku dhintay 22 qof.

Sidoo kale kumannaan qof ayaa waxay dibadbax lagu taageerayo dowladda ka dhigeen maanta dhowr magaalo oo dalkaasi ka tirsan.

Dibadbaxyadani looga soo horjeedo dowladda Iiraan oo ah kuwii ugu xoogganaa ku dhawaad muddo 10 sano ah ayaa waxa ay saameeyeen in ka badan boqol magaalo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka shiray xiisadda ka taagan dalka Iiraan.

Waxaana kulanka codsatay Dowladda Maraykanka si looga xaajooda xaalada Iiraan ka taagan.

Dowladda Ruushka ayaa iyadu Maraykanka ku eedaynaysaa in uu hurinayo xaalka Iiraan ka taagan.



89 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines