Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dawlada Suudaan Oo Beenisay Inay Xiisad ka Dhex Taagan Tahay Eritrea.



Sat 06 January 2018.

Dowladda Sudan ayaa beenisay warar sheegayay in xiisad ay ka dhex taagan tahay Eritrea iyo Sudan.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii Sudan ay ciidamo u daad gureysay xudduuda u dhaxeysa labada dal.

Barasaabka gobolka Koonfur Bari ee Kassala ayaa sheegay in ciidamada goobtaasi loo diray ay yihiin kuwa loogu talagalay in ay xoojiyaan xaaladda degdega ah ee halkaasi lagu soo rogay.

Toddobadkii hore, Sudan waxay ku dhawaaqday xukun degdeg ah oo soconaya muddo lix bilood ah gobollada Kassala oo bariga dalkaas ah iyo woqooyiga Kordofan oo galbeedka dalka ah.

Dowalddu waxay sheegay in tallaabadani qayb ka tahay olole hub ka dhigis ah oo lagu ballaarinayo sidii wax looga qaban lahaa kuwa dadka tahriibiya, soona geliya badeecadaha kontarabaanka ah.

Guddoomiyaha gobolka Kassala, Adam Jamma, waxaa uu sheegay in kumannaanka ciidanka sida milateriga u tababaran ee la geeyay gobolkaas ay halkaas u joogeen si ay u dhaqan geliyaan ololaha, tallaabadaasna aanay macnaheedu ahayn xiisad kala dhexeysa dalka Eritrea ee deriska la ah.

Waxaa uu beeniyay warar baraha bulshada lagu qoray oo sheegayay in la xiray xadka la isga gudbo labada dal, waxaana uu ku adkaystay in xiriirka labada waddan aanay wax dhibaato ahi ka jirin.

Axsaabta mucaaradka ah ay dhaleeceeyay ciidammada halkaas la geeyay, iyagoo sheegaya in dowladdu aanay u baahnayn inay xukun degdeg ah soo rogto si ay u qabato hub sharci darro ah ama ay u joojiso dad la tahriibinayo.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines