Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Shirkii Wadatashiga Nabadeynta iyo Horumarka Gobolka Banaadir Oo Dib U Dhac ku Yimid.



Sat 06 January 2018.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in uu baaqday Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir oo lagu waday in 7da bishan uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Duqa magaalada ayaa sheegay in howlo farsamo oo jira awgood uu shirka ubaaqday waqtiga shirka la qaban doono uu maamulka dib ka soo sheegi doono.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore ugu dhawaaqay in 7 Bishaan Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shirkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhamaadkii bishii la soo dhaafay sheegay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah loogana hadli doono Amniga Caasimada iyo sida loo xoojin karo.

Sababaha uu shirkaan u baaqday ayaa qaarkood lagu sheegay in ay tahay safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doono degaanada Puntland iyo Galmudug.

Shirkan ayaa la hore loo qorsheeyay in uu ka qeybgalo Madaxweyne Farmaajo iyo qubaro ku takhasustay arrimaha ammaanka.



127 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines