Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Daawo Qabow Khasaaro Nafeed Gaystay Oo ku Dhuftay Waqooyiga Dalka Maraykanka.



Fri 05 January 2018.

Xeebaha Waqooyiga America ayaa waxaa ka dhacaya qabow aad u daran. Waxaana wadamada Canada iyo Maraykanka la saadaalinayaa inuu qabowga ka sii dari doono.

Dalka Canada kumanaan qof oo deggan deegaanka Nova Scotia ayaa waxaa ku dhuftay dabaylo baabi'iyay korontada.

Cimiladan xoogan ayaa ilaa hada galaafatay nolosha 19 qof oo dalka Maraykanka ah iyo labo qof oo Canada ku dhintay.

Qabowga iyo barafka dhacaya ayaa waxa uu sababay ciriiri ku yimid wadooyinka baabuurta oo shilna keenay.

Gobolada sida weyn ay cimiladan qabow u saamaysay waxaa ka mid ah Waqooyiga iyo Koonfurta Caroline, Wisconsin, Kentuck iyo Taxes.

Khubarada cimilada ayaa saadaalinaya in isbuucani ay dhici doonaan dabaylo xoogan.

Maalinkii Jimcaha ahayd ayaa waxaa la hakiyay 1200 oo duulimaad oo cimilada darted loo baajiyay.

Meelaha sida weyn looga cabsi qabo waxaa ka mid ah New Hampshire oo cimilada uga daran laga soo warinayo,

Deegaanada Atlantic iyo bartamaha dalka Canada ayaa iyaguna waxaa ka dhacay dabaylo xoogan

Gobolka Nova Scotia dad gaaraya 125 kun oo qof ayaa koronto la'aan ay qabsatay ka dib markii ay dabaylahani saameeyeen.



69 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines