Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxwaynaha Faransiiska Oo Dhigiisa Turkiga ku Wargaliyay Inaysan ku Biiri-karin Midawga Yurub.



Fri 05 January 2018.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa dhigiisa Turkiga u sheegay inaysan hadda jirin fursad uu Turkiga ugu biiri karo Wadamada Midowga Yurub.

Shir jaraa'id oo ay labada madaxweyne wadajir u qabteen ayaa Madaxweyne Macron waxuu ku sheegay inuu jiro walaac laga qabo arrimaha xuquuqul insaanka ee Turkiga tan iyo wixii ka dambeeyey afgembigii dalkaasi ka dhacay.

Madaxweyne Turkiga Rajeb Ordogan ayaa sheegay in Turkiga uu ka daalay doonista ah inay Midowga Yurub ku biiraan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka baaqsaday inuu ka jawaabo su'aal ku saabsanayd wararka sheegaya ciidamo uu Turkiga u dirayo dalka Suuriya.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa isna tilmaamay inay muhiim tahay in la sii adkeeyo xiriirka ay Turkiga la leeyihiin.

Waxaa sidoo kale labada hogaamiye ay muujiyeen iskaashi laga yeesho dagaalka kooxda daacish lagula jirro.

Dalka Turkiga ayaa mudo dheerba doonayay inuu ka mid noqdo wadamada Midwoga Yurub.

Balse waxaa jiray cagojiid muuqda oo arrinkaasi ay ka muujinayeen qaar ka mid ah wadamada Yurub



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines