Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dad loo Qab-qabtay Qarax Maanta ka Dhacay Duleedka Magaalada Buula-Burde.



Fri 05 January 2018.

Wararka ka imaanaya magaalada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay dad u qabteen qarax miino oo maanta ka dhacay Duleedka Bari ee magaaladaasi,gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka diyaarada iyo Buula Burde,sida uu soo sheegayo wariyaheena C/naasir Geesey.

Qaraxani oo ahaa minada nuuca dhulka lagu aaso ee loo isticmaalo Remote Control ayaa waxaa ku geeriyooday 1 qof halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.

Falka qaraxa kadib ayaa waxaa bilowday howlgalo ay sameeyeen ciidamada oo lagu baadi goobayay ragii falkaasi ka dambeyeey,waxana wararku ay sheegayaan in ilaa haatan ay ciidamadu qabteen dhowr qof oo qaraxaasi lala xiriirinayo.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa xarumaha caafimaad ee magaaladaasi kuyaala.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines