Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Liiska Argagixisada ku Daray Hogaamiye sare Oo ka Tirsan Al-shabaab.



Fri 05 January 2018.

Dowladda Mareykanka ayaa Liiska Argagixisada ku dartay Saddex ruux oo uu ka mid yahay Abuukar Cali Aadan oo la sheegay in uu yahay ku-xigeenka hogaamiyaha Al-shabaab.

Ragga Liiska Argagixisada lagu daray ayaa ku kula sugan Yemen, Soomaaliya iyo Waqooyiga qaarada Afrika.

Wanas Al-Faqih iyo Muhammad Al-Ghazali ayaa lagu eedeeyey iney weerarro halis ah ka geysteen dalalka Tunisia iyo Yemen.

Warbixin ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters sanadkii 2010 oo laga diyaariyey saraakiisha Al-shabaab ayaa waxaa ku jiray Abuukar Cali Aadan, isagoo xilligaas lagu sheegay Amiirka Al-shabaab ee xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana isla sannadkaas la ogaaday in loo magacaabay Amiirkii Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo oo xiligaas gacanta ugu jirtay.

Inkastoo uu ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ayaa haddana dhinaca kale 2014 Abuukar la sheegay in uu ku biiray hoggaamiyaasha sare ee Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa horey liiska argagxisada ugu daray masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo qaarkood uu qaarajiyey iyo qaar weli nool oo la u gaarsanayo.



95 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines