Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka oo Taageeray Dibadbaxayaasha ka Socda Dalka Iran.



Fri 05 January 2018.

WASHINGTON. D.C — Dowlada Mareykanka ayaa mar kale ku celisay ballan qaadkeeda ah in ay taageeri doonto kooxaha dhigaya bannaabaxyada looga soo horjeedo dowlada Iran.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Khamiistii cambaareysay xariga boqolaal ka mid ah dadka dhigaya mudaaharaadka, isla markaana sheegtay in Mareykanka uu cunaqabateyn cusub saari doono kuwa caburiska kuwada dadka dhigaya bannaanbaxa.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay la xisaabtami doonto kuwa galay danbiyada ka dhanka ah dibadbaxayaasha Iran.

Ugu yaraan 21 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen bannaanbaxyo rabshado watay oo todobaadki hore ka billowday dalka Iran. In ka badan 1000 ruux ayaa la sheegay in xabsiga la

dhigay.



142 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines