Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Itoobiya Oo Beenisay Inay Siidaynayso Dhamaan Maxaabiista U Xidhan Siyaasada.



Fri 05 January 2018.

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay in dadka siyaasadda u xirxiran oo dhan xabsiga laga siidayn doono, waxayna dowladda sheegtay in qaar yar oo ka mid ah uun la siidayn doono dadkaas.

Kaaliye ka shaqeeya xafiiska Ra'isulwasaaraha ayaa sheegay in hadalkii Ra'isulwasaaraha si qaldan loo xigtay.

Warbaahinta adduunka ayaa baahiyay hadal laga soo xigtay Ra'isulwasaare Hailemariam Desilegn oo ahaa in oodda laga qaadayo dhammaan maxaabiista arrimaha siyaasadda u xiran.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dadka siyaasadda u xirxiran, balse waxaa la ogyahay in kumanaan la xirxiray sanadkii 2015-kii.

Maalmo ka hora yay ahayd markii 19 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin ururka Ginbot 7 lagu xukumay dacwado la xiriira argagixisonimo.

Ma cadda waxa uu ka dhashay go'aanka maxaabiista ku saabsan, balse wuxuu imanayaa kadib wadatashiyo uu lahaa xisbiga talada haya ee EPRDF.

Markii uu soo baxay hadalka ku saabsan in maxaabiista la siidaynayo, mucaaradka Itoobiya sheegay inay shaki ka qabaan qorshahaasi ay dowladdu sheegtay inay samaynayso.

Mucaaradka waxaa kaloo ay intaasi ku dareen in qorshahani uu wax yar uun ka yahay isbadalka siyaasadeed ee la doonayo in dalka laga sameeyo.

Befeqadu Hailu waa qoraa baraha internetka faalooyinka ku qora. Marar badan ayaa la xiray waxuuna sheegayaa in ciidanka ay jir dileen mudadii uu xirnaa.

Kooxaha xuquuqul insaanka iyo mucaaradkuna shaki weyn ayay ka muujinayaa balanqaadkan ay dowladdu samaysay.

Mucaaradku waxay sidoo kale aaminsan yihiin in dowladdu ay arrinkan uga gudbayso xaalada dalka ka taagan.

Magaalooyin dhowr ah ayaa waxaa ka socda banaanbaxyo dowladda looga soo horjeedo. Gaar ahaan goboladda Amxaarada iyo Oromada



109 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines