Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Askari ka Tirsan AMISOM Oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Degmada Buula-burte.



Fri 05 January 2018.

Askari ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa dhintay Labo Askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladdana waa ay ku dhaawacmeen kaddib Qarax ka dhacay Garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte.

Dadka ku sugan degmada Buula-burte oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay Qarax oo ka dhashay miino dhulka lagu Aasay uu ku dhintay Askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, sidoo kale Qaraxa waxaa ku dhaawacmay Labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Marar badan oo hore ayaa sidoo kale Qaraxyo ka dhacay degmada waxaa ku dhintay ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.



Views : 28



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines